Tanzania wa wadanka ugu qabow africa




TAARIKHDA TANZANIA

Tanzania, waa waddan ku yaalla Bariga Afrika ,oo leh taariikh hodan ah, oo uu qaabeeyey dhaqammo asal ah, ganacsi, gumeysi, iyo horumar ka dhacay ,xilliga xornimada kadib. Waa tana dulmar guud, oo ku saabsan taariikhda Tansaaniya:


Asc wrxm wbrkt 

Magacayku wa Adam 


Halkan waa dalsan media 

Kusoo dowaada daawadayaal

Muuqaalkeena maanta


Juqraafiga

• Tanzania waxay ay ku taallaa bariga Afrika, waxay xuduudo la leedahay ,Uganda iyo Kenya danka waqooyi bari,ee xigta badweynta Hindiya , Mozambique, Malawi iyo Zambia danka koonfur, iyo Congooda Dimuqraadi Burundi iyo Rwanda danka galbeed.

Waxa ay ku fadidhaa dul Baaxadiisu dantahay: 947,300 km²

waxay leedahay Khayraadka Dabiiciga ah: Sida.Tamarta biyaha, maarta, fosfaytka, birta ceedaanka ah, dhuxusha, dheeymanka, dhagxaanta qaali ah, dahabka, gaaska dabiiciga ah, iyo nikil.

Cimiladu: wa Mid ku dhawaad kulul xeebaha, halka dhexdhexaad ay katahay meelaha buuraleyda ah.


---




Tansaaniya, waa mid ka mid ah,meelaha ugu da’da weyn ,oo ay dadku ku noolaayeen, iyadoo caddeymo qadiimi ah laga helay,dooxada Olduvai, oo muujinaya in awooweyaashii hore ee bini’aadamka, ay halkaas ku noolaayeen, in ka badan 2 milyan oo sano ka hor.


Waqtigi dambe, waxaa degaanka soo galay, qoomiyado kala duwan, oo ay ku jiraan, dadka ku hadla luuqadaha Bantu, kuwaas oo gobolka yimid qiyaastii 1,000 sano kahor taariikhda miilaadiga.



2. Xeebta Suuxi iyo Ganacsiga Badweynta Hindiya:


Laga bilaabo sanadkii 1-koowaaaad ee Miilaadiga, xeebaha Tansaaniya ,waxay noqdeen xarumo ganacsi oo muhiim ah, oo ku xirnaa shabakadda ganacsiga Badweynta Hindiya.


Dhaqanka kajiray xeebta Suuxi ,ayaa soo baxay, isagoo isku dhafaya dhaqammada Afrikaanka, Carabta, Beeshiyiinta, iyo Hindida.


Magaalooyin muhiim ah oo ganacsi leh ,sida Kilwa, Zanzibaar, iyo Bagamoyo ,ayaa ku barwaaqoobay,shabakada ganacsiga ee badweynta hindiya,iyagoo ka ganacsan jiray, dahabka, foolka maroodika, iyo dadka addoomo ah.




---


Xilligii Gumeysiga


1. Saldanadda Cumaan (18-aad–19-aad Qarniyada):


Zanzibaar,waxay noqotay xarun muhiim u ahayd ,ganacsiga addoommada, oo ay maamuleysay Saldanadda Cumaan.


Saldanadda Cumaan, ayaa sanadkii 1840kii u wareejisay caasimaddeeda Zanzibaar, taasoo kor u qaadday muhiimadda ganacsiga Badweynta Hindiya.



2. Gumeysiga Yurub:


Boqortooyada Jarmalka,ayaa gumeysatay dhulweynaha Tansaaniya, oo markaas loo yaqaanay, Jarmal Afrikada Bari, dabayaaqadii qarnigii 19-aad, kadib Shirkii Berlin.


Maamulka Jarmalka wuxuu wajahay, iska caabin adag, oo ay ku jirtay kacdoonkii Maji Maji, sanadkii (1905–1907), kacdoon weyn oo ka dhan ahaa, siyaasadaha gumeysiga.



3. Xukunkii Ingiriiska:


Kadib guul-darradii Jarmalka, ee Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Liiga of Nations, ururka qaramada midoobay, waxay maamulka Tanganyika ku wareejisay, Ingiriiska, sannadkii 1919kii.


Zanzibaar, waxay sii ahaan jirtay ilaalin Ingiriis ah، kadib markii la joojiyay،ka ganacsiga addoommada.




---


Qaadashadii Xornimada iyo Aasaaskii Tansaaniya




Tanganyika, waxay xornimadeeda qaadatay, 9-kii Disembar, sanadkii 1961 dii, iyadoo uu hogaaminayay Juliyoos Nyerere, iyo xisbiga Tanganyika African National Union oo loo soo gaabsho (TANU).


Nyerere, wuxuu noqday madaxweynaha ugu horreeya ee jamhuuriyadda ,markii Tanganyika ay noqotay dal madax-bannaan, sanadkii 1962 dii



2. 


Zanzibaar, waxay ka xoroowday,gumeysikii Ingiriiska, 10-kii Disembar, sanadkii 1963 dii, laakiin ,kacdoon ka dhacay bishii Janaayo sanadkii 1964dii,

 ayaa afgembiyay boqortooyadii Carabta, iyadoo la dhisay jamhuuriyad.



3. Midowgii Tanganyika iyo Zanzibaar:


26-dii. Bishii Abriil, sanadkii 1964 dii , Tanganyika iyo Zanzibaar, waay midoobeen, iyagoo sameeyay, Jamhuuriyadda Waddaniga ah ee Tansaaniya.




---


Xilligii Xornimada Kadib


1. Hantiwadaagga iyo Ujamaa:


Nyerere,wuxuu hirgeliyay Ujamaa (hantiwadaagga Afrika), isagoo xoogga saaray, isku filnaansho iyo horumarinta miyiga.


Barnaamijyada lagu guuriyay dadka reer miyiga, si loo mideeyo bulshooyinka,waxay la kulmeen caqabado dhaqaale oo adag.



2. Isbeddellada Dhaqaalaha iyo Siyaasadda:


Sanadkii 1980-meeyadii, caqabado dhaqaale, ayaa keenay isbeddelo danka ganacsiga ah, iyo barnaamijyo dib-u-habeyn ah.


Tansaaniya, waxay u gudubtay nidaam dimuqraadi ah ,oo xisbiyo badan leh, sannadkii 1992dii, taasoo soo afjartay tobannaankii sano ee uu xukunka hayay hal xisbi oo kaliya.




---


Tansaaniyada Casriga ah



Tansaaniya, waxay ku jirtaa xasilooni siyaasadeed, marka loo eego waddamada deriska la ah,


Khayraadka Dabiiciga ah iyo Dalxiiska:

Waddanku, wuxuu caan ku yahay, quruxdiisa dabiiciga ah, iyo dalxiiska, isagoo leh, goobo lagu dalxiiso,sida Buurta Kilimanjaro, Beerta Qaranka ee Serengeti, iyo Jasiiradda Zanzibaar.


Kala Duwanaanta Dhaqanka:

Tansaaniya, waxay leedahay, in ka badan 120 qowmiyadood ,oo kala duwan, iyadoo luuqadda Swahili ay tahay, midda mideysa dadka.

Dadweynah


Tirada Dadka: wa 49,639,138 qof (tira koobkii lasameeyay biishii Luulyo sanadkii 2014 kii)

Kobaca Dadka: wa 2.8% (qiyaasta sanadkii 2014)

Qowmiyadaha: 95% waa qabiilooyinka Bantu, Halka 5% ta soo hartay, ay isugu jiraan, (Carab, iyo Yurub, iyo Aasiyaan).

Diimaha: 35% Muslimiin, 35% na wa diimo dhaqameed,Halka 30% ay yihiin Masiixiyiin.


Dhaqaalaha

Waxsoosaarka guud ee qaranka (GDP): wa $31.94 bilyan

Daqliga sanad laha ah ee qofku: wa $1700 dollar 

Kobaca dhaqaalaha:wa 7%

Shaqo la’aanta: Lama hayo xog sax ah

Sicir bararka: wa 7.8%

Daynta Dibadda: wa $13.82 bilyan.


Wax yaabaha ugu waweyn ee uu wadanku soo saaro waxa kamid ah.Bunka, shaaha, cudbiga, tubaakada, galleyda, sarreenka, mooska, khudaarta, xoolaha, macdanta, milixda, shamiitada, iyo sifeynta shidaalka.





---


Taariikhda Tansaaniya, waxay muujineysaa isku-dhaf dhaqan oo asal ah, saameyn ganacsi oo caalami ah, iyo dadaallo lagu dhisayo midnimo iyo horumar.

Intaas ayuu ku egyahay muuqaal keena maaanta

Hadii uu ku qanciyay muuqaalku

Haka ilaawin like 

Nagusoo biir 

Oo kamid noqo 

Bah weeynta nagu xiran

Daawade wadankee jeclaani lahayd

In aan muuqaal kaso

o diyaariyo

Commentiga igula wadaag 

 1000 subscribe na 

Wax yar baa inooga diman

Waxan rajeyni in aad 

Na gaaarsisaan

Mahadsanidiin 

Comments

Popular posts from this blog

Maxa ku qorsheysan Sanadka sanadka 2025

20 XIKMAD OO LAGA QORAY SHEIKH MUSDATE ISMAIL

ya''juuj majuuj