Taarikhda SYRIA
Syria
Manta farxad bay inoo tahay.
Qof walbo muslin ahna wa uu farxad.
Qabsashada caasinmada dimishq
Wax weyn bay ooga digan tahay reer suuriya
Kadib 50 sano oo ay dulmanaayeen
Bashaar al asad wuu bax saday
Xukumkiisina waa dacay
فقطع دابر القوم الذين ظلموا والحمد لله رب العالمين
Maxay kadigan tahay furashada dimishq
See imisaa jeer bay Muslimiinta furteen
Reer Qaza maxay u tahay furashada dimishq
Intaa aanan ugalin furashada dimishiq, oo ay manta qabsadeen mucaaraadka,
aan dul mar guud kusameyno taariqda dimishq,
iyo wixii dici karo, haday suniyiin dab ah la wareegaan xukumka
asc wrxm
wbrk
Maanta oo kale 15-kii bishii Rajab, sanadkii 14 tobanaad ee Hijriyada (oo ku beegneed 3-dii Sebtembar sanadkii 635 Miilaadiga), ayaa taariikhda Islaamka iyo tan dunidaba isbeddel weyn ku yimid: taaso ah Furashada Dimishiq! Maqaalkani kuma deeraani doono ammaanidda geesinimada fataxiintii , inkastoo ay mudan yihiin sharaf iyo xusid, laakiin waxaan diiradda saari doona, sadax cashar oo laga barani karo dacdadani
Sheekada furashada
Markii ay dhammaadeen dagaalladii lagula jiray dadkii riddoway, Muslimiintu waxay bilaabeen
futuuxada, waxaana lagu billaabay furashada dhulka Faaris, maaddaama
boqortooyada Faaris ay taageertay dadkii
ridooway. Bariga Jasiiradda Carabta. Abu Bakr As-Siddiiq (RC) wuxuu diray laba
ciidan: mid uu hoggaaminayo Khalid bin Waliid. iyo mid kale oo uu hoggaaminayo
Ciyaad bin Ghanam Al-Fahri. Khalid bin Waliid. wuxuu si degdeg ah u burburiyey
ciidamadii Faaris, isagoo ka saaray dhulka Galbeedka Webiga Furaat oo dhan,
wuxuuna furay magaalada Al-Xiira, oo ahayd caasimaddii ugu horreysay ee Faaris,
muddo afartan maalmood gudahood ah, tan iyo markii uu howlgalkiisa billaabay.
Furashada Faaris ayaa ahayd, mid guul weyn u soo hoysay Muslimiinta!
Markii uu guushaas gaaray kaddib, Abu Bakr wuxuu diray
shan ciidan oo kale, si ay u furaan Shaam. Qorshihiisu wuxuu ahaa, in shantaas
ciidan ay ku khasbaan boqor Heraclius, inuu ukala qaybiyo ciidankiisa weyn shan qeybood. Inkastoo ciidanka Heraclius,
ee kala qaybsan uu aad ooga badnaan lahaa, ciidanka Muslimiinta, qorshahan,
wuxuu ahaa inuu ka fiican yahay , Muslimiintu inay hal mar la kulmaan ciidan
weyn oo mideysan. Hase yeeshee, Heraclius oo ah mid ka mid ah dagaalyahannadii
ugu caansanaa taariikhda, wuxuu fahmay xeeladda Abu Bakr, wuxuuna go’aansaday
inuu mideeyo ciidankiisa si uu u weeraro ciidanka Muslimiinta mid mid. Tani
waxay sababtay in ciidanka Muslimiinta ay dib uga gurtaan degaannada ay
furtaan, maaddaama ciidankii Heraclius uu isku dayayey inuu hareereeyo mid
kasta. Sidaas darteed, furashada Shaam ayaa dib u dhacday inkastoo ay jireen
shan ciidan oo Muslimiin ah.
Dib u abaabulkii ciidanka Muslimiinta
Markii ay xaaladdu sidan noqotay, Abu Bakr wuxuu
go’aansaday inuu kala qaybiyo ciidankii Faaris, isagoo u diray kala bar
ciidankaas Shaam oo uu hoggaaminayo Khalid bin Waliid si uu uga caawiyo
furashada. Khalid wuxuu si degdeg ah uga soo tallaabay dhul qodxo badan oo u
dhexeeya Ciraaq iyo Shaam, isagoo ku soo biiray Muslimiinta ku hareeraysan
magaalada Dimishiq. Waxaa dhacday saddex
jeer oo isku mid ah: ciidanka Muslimiinta oo hal mid
ah oo uu hoggaaminayo Khalid ayaa isku dayay inuu furo Dimishiq, taasoo ahayd
caasimadda Roomanka ee Shaam. Hase yeeshee, magaalada waxay lahayd gidaarrro
adag, waxaana Muslimiintu bilaabeen inay ku hareereeyaan.
Markasta oo ay ku dhowaanayeen furashada Dimishiq,
Heraclius wuxuu dirayay ciidan kale oo ku soo hareereeya Muslimiinta, taasoo
khasab ku noqotay inay ka noqdaan Dimishiq si ay ula dagaallamaan ciidanka
cusub. Kadib dagaal weyn oo ay guuleysteen, waxay ku laabanayeen Dimishiq, hase
yeeshee xaaladdii ayaa mar kale isbeddeli jirtay. Ugu dambeyntii, markii
saddexaad, Muslimiintu waxay furteen Dimishiq kaddib afar bilood oo hareerayn
ah iyo laba dagaal waaweyn oo ay ku burburiyeen ciidanka Roomanka. Dagaalladaas
waxaa ka mid ahaa: Dagaalkii Ajnadeen iyo Dagaalkii Fahl ee Baysan. Heraclius
wuxuu isku dayay inuu keeno ciidankiisii ugu dambeeyay, taasoo dhalisay
Dagaalkii Yarmuuk ee caanka ah, kaasoo dhamaadkii ahaa jabkii ugu dambeeyay ee
Roomanku ku yeeshaan Shaam weligood!
Hadii aynu soo fahanay taariqda dimishq
Aynu eegno
maxay ooga digan tahay reer falastiin ama reer qaza
Waxan ognahay in baytul maqdiz labo jeer lafurtay
Oo kala ah
Xiliigii omar
bin qadaab uu qilaafada hayay
Sannadkii 16 Hijriyada, Khaliifka Cumar ibn Khattab
ayaa u safray Quddus si uu u aqbalo furayaasha magaalada. Laga bilaabo Shawwal
15 Hijriyada, oo u dhiganta Noofambar 636 Miilaadiyada, ilaa Rabiic al-Awwal 16
Hijriyada, oo u dhiganta Abriil 637 Miilaadiyada. Fadliga Quddus ay
kuleedahay Islaamiga , wuxuu xaqiijiyey
xasilloonida xukunka Islaamka ee Falastiin iyo xukunkaas oo aan mar dambe la
khatar gelin ilaa Dagaalladii Saliibiyiinta ee dhammaadka qarnigii 11aad iyo
intii uu daxaysay qarnigii 13aad.
Kadibna waxaa dib u xoreeyay salaaxudiin al ayuubi
Markii uu furtay kadib qalcad kutaalay dimishq
Ciidankii Salaaxuddiin wuxuu galay Dimishiq bishii
Rabiicul-Awal sanadkii 570 Hijriyada, oo u dhiganta bisha Noofembar ee sanadkii
1174 Miilaadiga. Markii ugu horreysay ee Salaaxuddiin uu galay magaalada, wuxuu
tegey guriga aabbihiis, oo loo yaqaanay "Daar al-Shariif al-Caqiiqi."
Dadka magaalada ayaa u soo baxay, farxadna ku soo dhaweeyey. Maalintaas,
Salaaxuddiin wuxuu bixiyey hanti badan oo uu ku muujiyey wanaaggiisa iyo
taageeradiisa dadka reer Dimishiq. Afar maalmood kadib, wuxuu fuulay qalcadda
magaalada, wuxuuna kala wareegay maamulkeeda taliyihii qalcadda, Jamaal al-Diin
Reyxaan.
Waxaa uu usii
talaabay falasdiin qudus
Bishii labaad ee Oktoobar sanadkii 1187, Suldaan
Salaaxudiin Al-Ayyoobi ayaa ku guuleystay inuu xoreeyo Baytul Maqdas iyo
Masjidka Al-Aqsa oo muddo 88 sano ah ku jiray gacanta saliibiyiinta.
Comments
Post a Comment