SUDAN
Sudan
Waa mid
kamid ah, kuwa oogu baaxada weyn dunida.
Halka uu
Africa kaka jiro 3
Wadan ku
suntan xadaarad,
Iyo
ilbaxnimooyin qadiimi ah.
Walina
ladaalaa dacayo ,
Rabshado
afgambi iyo gacdoon shacbeed.
Lehna
qeyraad dabiici ah,
Sida dirta.
Xoolaha.beeraha.iyo dahabka
Waxaynu
ujeedna
Wadanka
sudan
Asc
wrxm wbrk
Magacayku
waa adam
Halkanina
waa dalsan media
Kusoo dowaada
daawadayaaal
muuqaalkeena
manta
Taariikhda
Suudaan. waa mid hodan ku ah dhacdooyin iyo ilbaxnimooyin taxan, oo soo bilaabmay
tan iyo wakhtiyadii hore, ilaa maantana
wali socota . Waa kuwan qaar ka mid ah, wakhtiyadii ugu muhiimsanaa. ee soo maray
Sudan:
Suudaan,
waxay ku taallaa waqooyi bari ee geeska Afrika, waxayna ku fadhidaa bed dhan 1,865,813
kiiloomitir. oo laba jibbaaran. Taasi waxay ka dhigaysaa Suudaan, dalka
saddexaad ee ugu weyn Afrika, kadib Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee
Kongo, iyo kan saddexaad ee ugu weyn dunida Carabta, kadib Aljeeriya iyo
Boqortooyada Sacuudiga. Waxay sidoo kale kaalinta 16aad kaga jirtaa caalamka,
(waxay ahayd, dalka ugu weyn dunida Carabta iyo Afrika ,kahor intii aanu
Koonfurta Suudaan ka go’in, sanadkii 2011kii, waxayna xilligaasi ahayd, dalka tobnaad ee ugu weyn caalamka,
iyadoo baaxaddeedu ahayd ku dhawaad ,2
milyanoo kiiloomitir, oo laba jibbaaran).
Waxay xuduud
laleedahay . Chad iyo
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, dhanka galbeed; Masar iyo Libya . dhanka
waqooyi; Itoobiya iyo Ereteriya dhanka bari; Kenya, Uganda, , iyo Jamhuuriyadda Congo,
dhanka koonfur.
Boqortooyadii
Kush: Waxay ka hana qaaday aagga Nubia, magaalooyinkeedii ugu waaweyna waxaa ka
mid ahaa, Kerma, Napata iyo Merwa. Qoomiyaddan, ayaa dhistay boqortooyo xooggan,
oo ku fidday ilaa Masar, halkaas oo boqorkii
la oran jiray Piye. uu la wareegay
xukunka, oo uu aasaasay Qoyska Shanaad ee Boqortooyadii Masar.
Boqortooyadii
Merwa: Markii ay ka soo baxeen Masar, waxay degeen magaalada Merwa, oo noqotay
caasimadda Boqortooyada Kush. Waxay sidoo kale ku caan baxday, soo saarista
birta ,iyo horumarka dhaqanka.
Saamaynta
diinta
: Caabudida
ilaaha "Aamun" ayaa si weyn loogu dhaqmay, sidoo kale waxay heleen,
saameyn ka timid dhaqanka Masaarida, halkaas oo ay ka sameeyeen, pyramidooyin ama ahraam la mid ah, kuwii Masar.
Boqortooyinkii
Masiixiga
: Kadib
dumiddii Merwa, saddex boqortooyo oo
Masiixi ah, ayaa laga aasaasay waqooyiga Suudaan; oo kala aha,Nubia, Makuria,
iyo Alwa. Boqortooyinkani, waxay caan ku ahaayeen, dhaqanka hodanka ah, iyo
xiriirka ay la lahaayeen Boqortooyadi
Biizanta
:Imaanshihii
Islaamka
: Diinta Islaamka, waxay ku
faaftay sudan, qarnigii toddobaad ee
miilaadiga , iyada oo sabab u ahay, ganacsiga ka imanayay Masar iyo Carabta. Sannadihii dambe, Islaamka
wuxuu noqday, diinta ugu weyn ee dalka
sudan.
Diinta Islaamka,
waxay soo gashay sudan, xilligii Khaliifkii muslimiinta Cusmaan bin Cafaan, iyo
wakiilkiisii u fadiday Masar, Camr bin
Caas, sida ay caddeynayaan qoraallada qadiimiga ah, waxaana ka mid ah
heshiiskii Al-Baqt, ee uu la galay Cabdullaahi bin Abii Sarax, reer Nuba,
sanadkii 31koobadd ee Hijriyada, si loo
xoojiyo ganacsiga ka dhexeeya, Masar iyo
Suudaan. Waxaa kale oo la sheegay, in heshiiskaasi uu ku jiray, ilaalinta
masaajidka Dangula. Waxaa kale oo caan ah, in qoomiyado Carbeed, oo tiro beel
ah, ay Suudaan u hayaameen , iyaga oo
dagay, deegaannada baadiyaha ,ee bartamaha iyo galbeedka Suudaan, iyagoo
la yimid dhaqanka Islaamka, iyo kan Carbeed. Sidoo kale, hijrooyinka Carabta, waxay
bateen xilligii furashada Islaamka
ee africa, waxaana Suudaan yimid,
culumo badan oo Muslimiin ah, gaar ahaan, xilligii fikirka suufiyada uu
hanaqaaday, waxaana dalka soo galay dariiqooyin suufinimo oo Sunniga ah, oo saamayn ballaaran ku yeeshay
dalalka ku hareeraysan Suudaan.
Markii ay
hoos u dhaceen, boqortooyooyinkii Masiixiga ah, saameyntoodii siyaasadeedna ay
daciiftay, sababo la xiriira hijrooyinkii Carabta iyo fiditaankii Diinta Islaamka, waxaa Suudaan ka hana qaaday.
boqortooyooyin iyo saldannooyiin Islaam ah ,oo leh dhaqan Carbeed ,sida
Saldanaddii boqortooyadii Al-Funj, sanadkii (1505tii-1820kii) oo caasimaddeedu
ahayd Sinnar, iyo Saldanaddii Furka, ee galbeedka sudan,
sanadkii (1637dii-1875tii), iyadoo xaruntoodu ahayd magaalada Al-Fashir. Waxaa kale oo jiray, boqortooyadii
Takali ee Buuraha Nuba (qiyaastii sanadkii 1570kii. ilaa dabayaaqadii qarnigii
19aad) iyo boqortooyooyin kale ,sida boqortooyadii Al-Masabat, ee Cordofan, iyo
boqortooyadii Al-Daaju, oo xarunteedu
ahayd Kulwa, ee galbeedka fog ee sudan , iyo boqortooyadii Al-Baja oo caasimaddeedu
ahayd Hajar, oo ku taala bariga sudan.
3. Suudaan
xilligii Cusmaaniyiinta (1821 - 1885)
: Sannadkii
1821dii, Ciidamadii Cusmaaniyiinta, oo uu hoggaaminayey waliigii Masar, Maxamed
Cali Baasha, ayaa qabsaday Suudaan. Ujeedadu waxay ahayd ,in laga faa’iidaysto
kheyraadka Suudaan, sida dahabka iyo dadka, oo ciidanka loo isticmaalo.
: Shacabku waxay sameeyeen kacdoon ka dhan ah, maamulkii
Turkiga, hase yeeshee Cusmaaniyiinta, ayaa haystay dalka muddo sanado ah,
iyadoo culaysyo canshuuro ah, iyo xatooyo kheyraadka, ay keeneen, caro dadweyne,
oo aad uweyn.
4.
Kacdoonkii Mahdiga sanadkii (1881 - 1898)
: Maxamed
Axmed Al-Mahdi. ayaa hoggaamiyay kacdoon ka dhan ah, maamulka Turkiga, isaga oo
sheegtay inuu yahay Mahdigii la sugayay. Dacwaddiisa waxay soo jiidatay,
Soomaali badan, oo ka xumaa dulmiga iyo cadaadiska Turkiga.
: Kacdoonka
Mahdiga, ayaa si guul leh, ula wareegay Suudaan, waxaana laga eryay Turkiga sudan, sandka markuu aha
1885tii, taas oo horseeday, dawlad ku dhisan diinta, oo ay Mahdiyiintu
aasaaseen.
5.
Gumeystihii Ingiriiska iyo Masar (1898 - 1956)
: Kadib
jabkii Dawladdii Mahdiga, Ingiriiska iyo Masar, waxay wadaagaan xukunka
Suudaan. Ingiriiska wuxuu qabtay maamulka iyo dhaqaalaha, halka Masar ay
lahaayeen kaliya, xukun magac u yaal ah.
: Dalka
waxaa ka bilowday, dhaqdhaqaaqyo gobonimo doon ah, oo dalbanayay xorriyadda,
waxaana soo baxayay xisbiyo siyaasadeed, oo ka soo horjeeday gumaysiga.
6.
Madaxbannaanida (1956)
Suudaan,
waxay si rasmi ah u qaadatay madaxbannaanida .1-da Janaayo, sanadkii 1956 dii, kadib heshiisyo iyo
cadaadis shacabka ka yimid. Waxaa la aasaasay dawladda cusub, oo uu
hoggaaminayay Ismaaciil Al-Azhari ,oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay.
7. Xilliga
Madaxbannaanida iyo Colaadaha Gudaha
: Suudaan,
waxay gashay colaad socotay muddo dheer, oo u dhaxaysay waqooyiga iyo
koonfurta, taasoo ka dhalatay kala duwanaanshaha diimeed iyo mida dhaqameed, ee labada dhinac.
Heshiiskii
Nabadgalyada: sanadkii 2005tii, waxaa la
saxiixay Heshiis Nabadeed, oo soo afjaray dagaalkii sokeeye ee u daxeeyay waqooyiga iyo koonfurta, taas oo horseeday,
afti loogu codeeyay madaxbannaanida koonfurta Suudaan, sanadkii 2011kii,
halkaas oo ay ka go’day Suudaan , kadib na noqotay waddan madax-bannaan.
8.
Dhacdooyinka Casriga ah
: Tan iyo
madaxbannaanidii, Suudaan waxay la kulantay afgambiyo iyo kacdoonno badan, oo
sababay isbeddelo siyaasadeed. Kacdoonkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa, kii Dacay
Bishii December, sanadkii 2018kii,
kaasoo keenay in xilka laga qaado, madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashir, sanadka markuu ahaa, 2019 kii, oo dalka ka talinayay in ka badan, mudo
30 sano ah.
: Kadib
xukunka Al-Bashir, waxaa la sameeyay dawlad ku-meel-gaar ah, hase yeeshee,
dalka, waxaa soo wajahay, caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaale ,oo weli taagan, taas oo keentay,
xiisado iyo afgambiyo soo noqnoqda, iyada oo Suudaan wali ku dadaalayso, sidii
ay u gaari lahayd, xasillooni iyo maamul dimoqraadiyadeed.
Dhaqaalaha:
Suudaan,
waa dal ballaaran oo hodan ku ah, kheyraadka dabiiciga ah; sida dhulka bacrinka
ah, xoolaha, macdanta, dhirta, iyo biyaha. Suudaan, waxay ku tiirsan tahay beeraha, oo ah, ilaha ugu
muhiimsan ee dhaqaalaha, taas oo ah 80% howlaha dadka. Sidoo kale, waxay ku
tiirsan tahay, warshadaha, gaar ahaan kuwa ku shaqeeya wax soo saarka beeraha.
Gabagabadii iyo gunaanadkii
Taariikhda
Suudaan, waxay ka tarjumaysaa, halganka ay ummadaasi u soo martay, sidii ay u
ilaalin lahayd midnimadeeda, iyo horumar bulsho iyo mid siyaasadeed.
Intaas
ayuu ku eg yahay muuqaalkeenaa manta
Hadii uu ku
cajab kaliyay muuqaalka
Amabaa aad
ax uun ka faaiday
Haka
ilaawin like ta
Lana wadaag
as xaabtaadaa
Nagu soo
biir,
Oo kamid
noqo.
Bahweynta nagu xiran
Asc wrxm
wbrk
Comments
Post a Comment