Sheeko kooban oo ka hadleyso saxaabiyada sharafta leh ee Um Xabiiba RC🤎

 



Sheeko kooban oo ka hadleyso saxaabiyada sharafta leh ee Um Xabiiba RC🤎


Um Xabiiba waxay ka mid ahayd xaasaskii Subaanahena ﷺ Waa Ramla Bint Abi Sufyan.


Rasuulka ﷺ ka hor waxay guursatay Cubaydallah Bin Jaxash waxayna u haajireen ayada iyo ninkeeda Xabasha, meeshaas ayeyna ugu dhashay gabadheeda Xabiiba.


Habeen habeenada ka mid ah ayey waxay ku riyootay ninkeeda oo xaalad xun ku sugan oo aadna u fool xun. Subaxii ayadoo naxsan ayey soo kacday.


Markay soo kacdayna ninkeeda ayaa la hadlay wuxu yiri, Yaa Um Xabiiba intaan aniga muslimin diinta masiixiga diin ka wanaagsan inay jirto ilama ahayn ayadaan qaatay.


Ka dib waa muslimay oo waxaan qaatay Muxammad diintiisa, laakin hada waxaan kuu sheegaa inaan ku noqday diintii masiixiga. Aad ayey u naxday khayr kuuma ahan ay tiri waxayna u sheegtay riyadii, dhegse uma dhigin. 


Waxay tiri khamri ayuu bilaabay ilaa uu ka dhinto. Markaasa nolosheeda waxay isu bedeshay murug iyo calool xumo wayn, keli ayey noqotay gabar yarna way leedahay qurbana way ku nooshahay. 


Habeen ayey hadana waxay ku riyootay oo loo sheegay inay guursaneyso Nabiga ﷺ . Cudadeeda markay dhamaatayna waxaa u timid jaariyadii boqor Najaashi, waxayna tiri boqorkaa isoo diray wuxuu ku yiri Nabiga ayaa kusoo doonatay.


Way faraxday Ilaahey khayr hakuugu bishaareeyo ay tiri, akhbaarka farxada leh dartiisa jaariyadi ayey hadiyad ahaan waxay u siisay dahab iyo luul waxay heysay oo idil.


Waxay wakaalatay / walaayada u dhiibatay Khaalid Bin Saciid Al- Casi RC, waxaa joogay Jacfar Bin Abi Talib RC iyo muslimiin kale Rasuulka ﷺ ayaa meeshii loogu mehriyey Um Xabiiba.


Meher fiican ayaa la siiyey, intay soo bixin jaariyadii ayey wacday waxay ugu dartay lacag waxay tiri aniga waa socdaa ee adigaa u baahan, jaariyadii ayadana waxay tiri.


Lacagtaada heyso, dahabkii iyo luulkii aad daraad i siisayna waa kuwaan qaado, boqorka ayaa celi igu yiri anigana diinta islamka ayaan galay ee Rasuulka salaanteyda gaarsii.


Madina ayaa loo guuriyey Rasuulka markay u tagtay xaaladeeda iyo meherka siduu u dhacay ayuu ka wareystay, wixii dhacay oo idil ayey usoo gudbisay iyo jaariyadii salaanteeda, nabad gelyo korkeeda ha ahaato ayuu yiri.


Reer Madina oo idil way u dabaal degeen imaashadeeda iyo guurkeeda, sanadkii 7 aad ee hijriyada ayuu ahaa ayadana 36 jir ayey ahayd Aayad ayaa u soo degtay guurkeeda.


عسى الله أن يجعل بينكم وبين الذين عاديتم منهم مودة والله قدير “الممتحنة: 7”


Geesiyad, xikmad buuxda leh ayey ahayd, aabaheed ayaa Madina yimid oo u yimid inuu Nabiga ka dalbado in loo kordhiyo mudadii dagaal joojinta. 


Markuu gurigeeda galay meeshuu fariisan lahaa firaashkii saarnaa ayey ka qaaday way lalaabtay markaasu yiri firaashka maxaad uga qaaday inaan ku fariisto ma rabtid miyaa?


Markaasey tiri firaashka waa midkii Rasuulka ku fariisanaayey adigana daahir ma tihid mushrik ayaad tahay.


Um Xabiiba RC markay geerideeda soo dhowaatay waxay wacday Caa’isha iyo Um Salama Radiyallaahu canhuma waxay u dhahday aan is cafino aniga iyo idinka waxaa na dhex mari jaray waxyaabaha dumarka la isla qabo dhex maro.


Way is cafiyeen, Um Xabiiba Madina ayey ku geeriyootay sanadka hijriyada markuu ahaa 44, ayadoo 72 jir ah🔹


Waxaan kasoo xigtay islamweb✨


Waqtiyadiina ha idiin wacnaadaan🤚🏽laba gooro qoraalka wuu dheeraday haye anigana tabarta ba’day qisada saan ayanba ku soo gagaabiyey✍🏽

Comments

Popular posts from this blog

Maxa ku qorsheysan Sanadka sanadka 2025

20 XIKMAD OO LAGA QORAY SHEIKH MUSDATE ISMAIL

ya''juuj majuuj