kukalsoonow naftaadha
ku kalsoonow naftaadha
kalsoonida
1. Jooji inaad is barbar dhigto dadka kale
Baraha bulshada iyo guulaha ay dadku ku soo bandhigaan ,ayaa niyad jab ku keena, dad badan, waxayna ku geliyaan is barbar dhig inta badan, waxayna aad u yareeyaan kalsoonida ay isku qabaan.
Waxaan kukula talin , in aad naftaadhaa lala bar bar dhigin dadka kale , oo aad ka fogaato nolosha tartanka ka buuxo, balse waxaan kukula talinayaa taas badelkeed, in aad u fiirsato waxyaabaha wanaagsan ee nolosha qofka ku jira, oo ay kuku abuurto qanaaco, iyo han weyn. Taaso ku saabsan faahfaahinta fudud ee nolosha qofka.
Ma jirto nolol ku habboon qofka, oo dhib la'aan ah, markaa isku day inaad abuurto, dheelitirnaan caafimaad leh, oo wanaagsan, dhammaan dhinacyada nolosha.
2. Ka taxadar caafimaadkaaga jireed
Suurtagal maaha in la dareemo isku kalsoonaan nooc kasta leh, isla markaana qofku uu jirkiisa wax u dhimayo, isagoo cunaya cunto aan caafimaad lahayn, iyo inuu dayaco riyaadiyaadka am jimicsiga noocyadiisa kala duwan.
Daryeelka caafimaadka jireed, waxa ay si weyn u kordhisaa fikradaha toga nee toosan, iyo isku kalsoonida.
Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa, inaad cuntaa cunto caafimaad leh, oo aad ku dhaqanto ama sameeysa nooc kasta oo isboortika kamid ah oo aad jeceshahay, waliba si joogto ah.
3. Ku faan waxqabadyadaadii hore
Qofku waa inuusan iloobin guulihiisii hore, sababtoo ah, tani waxay gacan ka geysaneysaa, kor u qaadida kalsoonida naftaadha, ee ku saabsan fulinta waxyaabo badan oo noloshaadha kusaab san.
Qofku waa inuu xusuustaa oo uu ku faanaa dhammaan guulaha uu gaadhay, gaar ahaan marka uu rabo inuu sameeyo mashruucyo cusub, ama marka fikradaha xunxun ay ku ururaan maskaxdiisa.
4. Xooji fikradaha togan
Qofku waa in uu fikirka togan kor u qaadaa, oo uu xusaa guulaha badan iyo wax qabadkiisi, si xikmad lehna uu u la tacaalaa dhaliilaha taban, si aanu mar walba diirada u saarin, balse waa in uu isu dheeli tirnaanta iyo fikirka togan isku dayo. ku qor wax kasta oo aad jeceshay yahay noloshaada iyo hamigaada qoraal ama warqad, mar walbana taas xasuusnow.
5. La hadal daaweeyaha mucaalijiinta
La hadalka dhakhaatiirta cilminafsiyeedka, waxay si weyn u kordhisaa kalsoonida, maadaama khubarada tarbiyada cilminafsigu ay qiimayn karaan, shakhsiyadda qofka, iyo dhammaan waaya-aragnimadii uu soo maray, oo ay ka caawin karaan inuu helo, hababka ugu wanaagsan ee gacan ka geysan kara, kor u qaadida kalsoonida.
6. Baro adkaysiga
Qofku waa inuu bartaa inuu diido waxyaabo aanu aqbalin ama aanu jeclayn, halkii uu waxyaalo kala duwan samayn lahaa, isagoo doonaya inuu dadka kale ka farxiyo.waayo dados raali ahaaanshahooda waa qaayo aan la gaarin haisku dabar jabin, kaliya waxaaad ku dadaasha sidaad kuheli laheyd ridaha rabii,dadkana si wanaagsan ola tacaamul,
Middaani marka hore ma sahlana oo wax fudud ma aha, balse waa in lagu celceliyaa markasta ilaa inta ay caado u noqonayso qofka.
Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee kordhiya kalsoonida nafta, waxaa ka mid ah, isku kalsoonaanta qofka, dejinta xaddidaadda nafsiga ah, iyo u ogolaanshaha dadka kale inay ka gudbaan.
7. Hel madadaalo
Isku day inaad hesho waxyaabo madadaalo ah, oo aad ku fiican tahay inaad sameyso ama sameeyntoodha waqti ka waqti, sababtoo ah, tani waxay kaa caawineysaa, inaad ka takhalusto dhammaan fikradaha xunxun, waxayna si weyn u kordhisaa, isku kalsoonida.
Jadwal fudud ayaa la dejin karaa, kuwaas oo la sameeyo maalin kasta, sida in waqti la saaro, si loo barto hababka cunto karinta cusub, luqad cusub, ama akhrinta buugaagta, sababtoo ah, tani waxay gacan ka geysaneysaa kor u qaadista caafimaadka maskaxda iyo kordhinta kalsoonida naftiisa.
Muhiimadda ay leedahay isku kalsoonida
Kalsoonida aadamuhu waa mid muhiim u ah, oo faa'iido leh, waxayna qofka ka caawisaa dhinac walba oo noloshiisa ah, guriga, goobta shaqada, iyo xiriirka shakhsi ahaaneed, muhiimaddeeda waxaa lagu soo koobi karaa sidan.
Awooda bini'aadmigu inuu wax cusub tijaabiyo ayaa kordheysa.
Waxay kordhisaa ,waxtarka aadanaha ee qabashada hawlo kala duwan.
Waxay kordhisaa, awoodda wax ka qabashada iyo xallinta mashaakilaadka kala duwan, ee qofka soo wajaha noloshiisa.
Waxay xoojisaa xidhiidhka iyo xirfadaha bulshada.
Kalsoonida nafta kaliya kama caawiso qofka inuu aqbalo naftiisa, laakiin sidoo kale waxay ka dhigtaa qof wax fahma oo jecel dadka kale ee ku xeeran.
Hadaan soo baranay waxyaabaha xoojiya oo awooda uyeelo kalsoonida NAFTA, hada waxaan isla arkeeynaa insha allah
Waxyaaba yareeya kalsoonida qofka?
Dhibaatada kalsooni la'aanta qofka, inta badan waxay ku bilaabataa da'da yar, waxaana inta badan sababa deegaanka ama bay ada ku hareeraysan qofka, sida gudaha dugsiga, guriga, ama xitaa goobaha caamka
Fariimaha xunxun ,waxay caadi ahaan qofka ku keenaan kalsooni darro, waana kuwa uku badan ee lasoo xasuusto in ka badan fariimaha kale inta uu nool yahay qofka.
Waxaa xusid mudan, in dadka qaar ay si aad ah u saameeyaan fikradaha xunxun, marka loo eego kuwa kale, halka kuwa kale aysan si weyn u saameynin fikradahaas.
Comments
Post a Comment