Ahmed al_sharac
Odey la dhihi jirey Cali Maxamed Sharac ( الشرع ), wuxuu ku noolaa Magaalada Fiiq ee dalka Suuriya.
Carruurtiisa waxaa ka mid ahaa Xuseen & Faaruuq.
Yuhuudda ayaa 1967 ku habsadey Fiiq & Nawaaxigeeda, Reerkiina waa ay baxsadeen.
👉🏾Faaruuq (Sharac).
Faaruuq wuxuu wax ku bartey Dimishiq & London.
Ugu dambeeyntiina wuxuu noqdey diblomaasi u adeega dalkiisa, isagoo ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Suuriya 1984 ilaa 2006dii.
2006-dii wuxuu u dallacey Madaxweeyne ku xigeenka dalka Suuriya ilaa sannadkii 2014kii.
👉🏾Xuseen (Sharac).
Xuseen waa dhaqaale yahan ka soo qalin jiitey Jaamacadda Baqdaad.
Laba jeer waxaa lagu xirey Suuriya, ka dibna wuxuu
u cararey dalka Sacuudiga.
Magaalada Riyaad ayuu degay, waxaana halkaas ugu dhashey Axmed & Maahir.
👉🏾 Axmed Xuseen Cali Maxamed (Sharac), waa hoggaamiyaha xooggagii la wareegay talada dalka Suuriya 8-dii bishan December ee 2024ta.
👉🏾 Maahir (Sharac).
Maahir-na waa Wasiirka Caafimaadka ee Doowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya.
Waxaa qoray Daa’uud Cumar
Comments
Post a Comment